DEG DEG: Faah faahin Dheeraad Ah Kooban Qaraxa ka dhacay Baydhabo ,Yaa La Eegta Qarax Maanta?(Akhriso)

72

Wararkii ugu dambeeyey ee Qaraxa ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in qaraxii ka dhacay Baydhabo ay ku dhinteen dad kabadan 10 qof iyadoona ku dhawaad 20 kale ay ku dhaawacmeen.

Isgaarsiintii magaalada ayaa hawada ka maqan waxaana dad goob joogayaal ah oo la hadalnay ka hor inta hawada ka bixin isgaarsiintu ay sheegeen inay arkeen meydadka shacab iyo Askar.

Ilaa hadda lama sheegi karo cida lala beegsaday qaraxaasi oo ka dhacay irida hore ee Shirkada Xawaalada Dahabshiil qeybteeda Baydhabo.

Dhan Kale

Yaa lala eegtay Qaraxii maanta ka dhacay Baydhabo?

Ayadoo qarax loo adeegsaday Gaari waxyaaabaa qarxa ka buuxaan uu ka dhacay Magaalada Baydhabo galabta albaabka hore ee Shirkada Xawaalada Dahabshiil ayaa waxa soo baxaya warar dheeraad ah cida qaraxa lala eegtay.

Warar hordhac ah oo Shabakadda Idale News Online ay heshay ayaa sheegaya in qaraxa ismiidaaminta ahaa lala eegtay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bay Ahna iminka Wasiirka Arimaha Gudaha Maamulka Lixda Gobol C/fitaax Geeseey.

Inta la og yahay qaraxaasi waxa ku dhintay 10 qof iyadoona 20 kale ay ku dhaawacmeen oo ubadnaa dadkii waxyeeladu ay gaartay dad shacab ahaa.

Teaser Image Khasaaraha Hordhaca ah ee Qaraxa Baydhobo

Idale News Online, Baydhba.

You might also like More from author

Comments are closed.