Waxgarad sheegay in ammaanka degmada Afgooye uu faraha ka sii baxayo.

72

GUgaas Warsame Ugaas Cali Suuleey oo u warramayay warbaahinta  ayaa sheegay in ammaanka degmada Afgooye uu yahay mid aan la isku halleyn Karin.

Arrintaan ayuu ku macneeyay Ugaas Warsame in ay  keentay is qab qabsiga Maamulkii hore iyo xubnaha Cusub ee lagu soo biiriyay.

Dhawaan ayey ahayd markii ay soo ifbaxeen khilaaf u dhexeeya Taliska Booliska degmada Afgooye iyo Masuuliyiin Maamulka degmadaasi ka tirsan.

Waxgaradka Afgooye ayaa ugu baaqay Madaxda sar sare ee dowladda Soomaaliya in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku soo fara geliyaan dhibaatadani muranka ah ee ka taagan degmada oo ay sheegeen in ammaanka ay faraha ka sii bixineyso.

Afgooye

Idale News Online, Afgooye.

You might also like More from author

Comments are closed.