War Deg-deg ah: Dibad-bax lagu taageerayo madaxweynaha oo ka socda Koonis Stadium.

36

Waxaa goordhow garoonka Koonis Stadium ee magaalada Muqdisho ka billowday dibad bax lagu taageeraayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wax qabadka dowladiisa.

Boqolaal qof oo u badan dumar iyo carruur oo wata dhar kala duwan oo ay ku qoran yihiin magacyada degmooyinka gobalka Banaadir, ayaa ka soo qaybgalay dibadbaxa.

Dibadbaxa waxaa soo qaban qaabiyay maamulka gobalka Banaadir, sidda ay sheegayaan wariyaasha ku sugan garoonka Koonis.

Waa dibadbixii ugu ballaarnaa ee lagu taageero madaxweynaha ee ka dhaca Muqdisho tan iyo markii la doortay labo sanno ka hor.

Dadka dibad baxaya ayaa ka soo horejeeda qorshaha xubno ka tirsan baarlamaanka ay ku doonayaan in uu isku casilo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa la filayaa dibadbaxa in ay ka hadlaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobalka Banaadir.

Warar dheeraad ah kala soco Shabakadda Idale News Online.

breakingIdaleNews

 

Idale News Online, Muqdisho.

You might also like More from author

Comments are closed.