China oo Kenya ku gacan siineysa celinta qaxootiga Soomaliyeed.

29

1Doowlada China, ayaa Doowlada Kenya u ballan qaaday, ineey ku Gacan siin doonto celinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan xeryaha dalka Kenya.

Li Keqiang, oo ah R/wasaaraha China, islamarkaasna booqasho ku jooga Nairobi, ayaa waxuuna sheegay dowladdisu inay gacan ka siin doonto Kenya sidii ay u celin lahayd qaxootiga Soomaalida ee ku xareysay xeryaha ku yaalla dalkaasi.

Kenya celitan qaxootiga waxaa ay sabab uga dhigtay inay qaxootiga ku soo dhex dhuuntan dadka dhibaatooyinka ka geysanaya gudaha Kenya,waxaana jirta in qaraxyo iyo weerarro badan oo magaalooyinka dalka ku yaalla ka dhacay,kuwaaso sababay inay dhaliyeen baaritaan xooggan oo ay sameeyan ciidamada Kenya.

“China waxaa uu diyaar u yahay dowladda Kenya inuu kala qeyb-qaato celita qaxootiga” ayuu yiri Li Keqiang.

Madaxweynaha Kenya ayaa isna ugu mahad-celiyey China gacan siinta celinta qaxootiga ku nool dalka Kenya iyo taageerida Afrika.

Uhuro Kenyatta

Idale News Online.

You might also like More from author

Comments are closed.