Xisbiga Ugu Da’ad Weyne Qaaradda Afrika Ee ANC oo ku Guuleystay Doorashooyinkii Koonfur Afrika.

39

Xisbi xaakimka Koonfur Afrika ee ANC ayaa guul weyn ka soo hoyey doorashooyinkii Baarlamaanka Koonbfur Afrika ee la qabtey maalintii arbacada. Guusha ANC ayaa ahayd mid horey loo saadaaliyey lana sugaayey.

Doorashadii dhacdey maalintii Arbacada ayaa natiijada rasmiga ah maanta oo Sabti ah la shaaciyey waxaana Xisbiga ANC heleen 62% sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka ee dalkaas. Guushan ayaa ka dhigeysa in Madaxweynaha hadda xilka haya Jacob Zuma uu talada dalka sii hayn doono shanta sano ee soo socota. Xisbiyada ugu waaweyn mucaaradka ee Democratic Alliance ayaa heley 22% oo keliya.

Doorashada ayaa la sheegayaa dadka ka qaybqaatey ay gaarayeen 73.5% oo kamid ah dadka sharciga u leh in ay codeyn karaan. Doorashada baarlamaanka ee Koonfur Afrika ayaa ahayd mid taariikhi ah waana tii u horeysey ee dalkaas lagu qabto tan iyo markii talada dalka lagala wareegey caddaankii tirada yaraa ee gumeystaasha ahaa 1994tii.

FranklySpeaking

Idale News Online, Koonfur Afrika.

You might also like More from author

Comments are closed.