Caruur badan Ku Geeriyootay War-biyood Ku Taala Degmada Diinsoor

74

Wararka ka imaanaya Degmada Diinsoor ee Gobalka Baay, ayaa sheegaya in halkaasi laga helay meydadka afar caruur ah, kuwaasi oo la waayay shalay gelinkii dambe.

Caruurtaan ayaa la waayay xilli ay ku dabaalayeen warbiyood ku taala duleedka Degmada Diinsoor ee Gobalka Baay, waxaana la helay meydkooda saaka, kadib markii ay ku geeriyoodeen warbiyoodkii ay ku dabaalanayeen, waxaana la helay meydkooda iyaga oo dul sabaynaya Warbiyoodka.

Caruurta dhimatay labo kamid ah waxa ay jireen da’dooda 10 sana jir iyo 8 sana jir kuwaasi oo kamid ahaa Caruurta warta Biyaha ku geeriyootay ee maanta la helay meydkooda.

Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo gaaray warbiyoodka caruurtaan ay ku geeriyoodeen, ayaa shacabka Degmada Diinsoor uga digay in maalmahan lagu guda jiro xilli roobaadka caruurta aysan u dabaaltagin waraha biyaha, maadaama halkaasi ay ka dhalan karto qataro caruurta soo food saarta.

Waa markii ugu horeysay oo tiro intaan la eeg oo caruur ah ay ku geeriyoodeen warbiyood ay ku dabaalanayeen Degmada Diinsoor ee Gobalka Baay.

Watar toxic

Idale News Online.

You might also like More from author

Comments are closed.