Gudoomiyaha Wadajir oo ku baaqay in Degmadiisa aan Hub Sharci Daro lagu wadan karin.

29

Gudoomiyaha Degmada Wadajir Axmed Cabdulle Afrax oo ka hadlaayay Xaalada Caafimaad ee Degmada ayaa wuxuu Sheegay in ay jiraan labo Isbitaal oo ay gacanta ku heyn jireen Hay’ada MSF Spain iyo MSF France wuxuuna Sheegay in iminka ay u baahan yihiin in laga taageero dayactirka iyo dib u howlgelinta Isbitaaladaasi.

Dhanka kale Gudoomiyaha ayaa ka hadllay dadka sharci darada qoryaha isaga wata egmadiisa in uu ka soo horjeeddo waxa uuna ku baqay in Mudo 3 cisho guddahood Qoryaha lagu soo Diiwaan geliyo kana soo horjeedo,M/Mulkisa in Hub Micno daro lagu wato guddaha degmadda wadajir.

sidoo kale Gudoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in Nadaafada Degmada Wadajir ay tahay mid aad u liidato ayna dalbanaya in wax lagala qabto Sidii loo hormarin lahaa.

Gudoomiyaha Degmada Wadajir Ayaa Sidoo kale ka dalbaday Hay’adaha ka Shaqeeya Hormarinta Arrimaha Bulshada in Degmada ay ka Saacidaan meelo ka mid ah Degmada oo ay biyo fadhiisteen.

Hadalkaan ayuu Gudoomiyaha Degmada Wadajir ka Sheegay ka dib markii uu Shir Jaraa’id Xafiiskiisa ugu qabtay Warbaahinta kana Warbixinaayay Xaalada Degmada Wadajir.

afrax

Idale News Online, Wadajir, Muqdisho.

 

You might also like More from author

Comments are closed.