In Ka Badan 120 Xildhibaan Ayaa Maanta Mooshin Ka Dhan Ah Madaxweynaha U Gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

31

kadib markii qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya intooda badan ay isku afgarteen in Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya mudane xasan Sheekh Maxamuud uu iska casilo xilka madaxtinimo iyagoo sheegay in uu ku fashilmay siyaasada dalka iyo balanqaadyo uu oofin wayey.

Warar aan ka heleyno xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegaya xildhibaano tiradooda kor u dhafaya 120 xildhibaan ay mooshin ka dhan ah madaxweynaha u gudbiyeen Gudoonka Sare ee baarlamaanka isagana uu ka gudoomay warqada mooshinka ay usoo gudbiyeen mudanayaasha.

Mudanayaashan ay tiradooda gaareyso in kabadan 120 mudane ayaa ku dhaliilay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in uusan waxba ka qaban tiirarka lixda ahaa ee xiliggii ololaha doorashada uu ku soo galay.

Mooshinka laga keenay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusoo aadaya xilli ay qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya maalin dhoweyd bayaan cad soo saareen ay ku dalbanayaan in madaxweynaha uu is casilo iyagoo sheegay haddii taas ay dhici wayso ay xeerka sharciga u mari doonaan.

Xildhibaanada-Baarlamaanka

Idale News Online, Muqdisho.

You might also like More from author

Comments are closed.