BF Soomaaliya oo meel mariyay miisaaniyadda xukuumadda.

36

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaca ah meel mariyay miisaaniyadda ay ku shaqeyn doonto xukuumadda Soomaaliya sanadkan 2014-ka.

Fadhiga maanta baarlamaanka ayaa waxaa soo xaadiray 172 xildhibaan,waxaana oggolaaday in miisaaniyada la meel mariyo 162 mudane. Waxaa diiday in la ansixiyo 7 xildhibaan, waxaana sidoo kale ka aamusay saddex xildhibaan, siddaas waxaa ka sheegay kulanka guddoomiye xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya Jeylaani Nuur iikar oo maanta shir guddoominayay fadhiga baarlamaanka.

Fadhigga maanta fadhiyay oo dhageesanayay sidda ay wax u dhaceysay wasiiru dowlahha wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Axmed Nuur.

Wuxuu sheegay in ay ku faraxsan yihiin meel marinta xildhibaanada miisaaniyadda sannadkan xukuumadda ay ku shaqeeneyso.

Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa muddo dheer ay ku qaadatay falanqeyn ku saabsan ansixinta miisaaniyada xukuumadda Soomaaliy.

Kulanka-Baarlamaanka-Maanta-3511

Idale News Online, Muqdisho.

You might also like More from author

Comments are closed.