Daawo Video: Gollaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo Maanta Isugu Yimid Kulan Deg Deg Ah.

34

Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed oo shir deg deg ah ku yeeshay xarunta Madaxtooyada Dowlad Goboledka K/galbeed ayaa waxa ay kaga hadlen Roobyari iyo macaluul laga soo sheegay qaybo kamid ah Gobolada Koonfur Galbeed.

Shirka wasiirada markii uu soo idlaaday ayaa waxaa si wadajir ah shir jaraa’id u qabtay qaar kamid ah wasiirada oo ay ugu horeeyaan wasiirka wasaarada haweenka,wasiirka wasaarada Cafimadka,wasiirka wasaarada shaqada iyo shaqaalah iyo wasiirka wasaarada dhaqancelinta.

Waxayna kubaaqeen in si deg deg ah wax looga qabto iyagoona hay’adaha deeqda bixiya ugu baaqay in ay gergar lasoo garaan sidoo kale waxay wasiiradani dowlada dhexe ugu baaqeen in ay waxkaqabato dhibatooyinka ka jira Gobolada Gedo, Bakool Shabeelaha Hoose iyo Jubbada Dhexe.

Dhinaca kale wafdi uu hogaminayo afhayenka golaha nabada iyo midnimada Jubooyinka Salaad Cilmi Axmed ayaa lagu soo dhaweyey Xarunta Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed iyagoona soo dhaweyn kadib amaan usoojediyey  shacabka Koonfur Galbed, gaar ahaan Shacabka  Baydhabo sida kartida leh ee ay ugu dadaaleen nabada iyo isu kenida dadyowga gobolada K/galbeed,wafdigaan oo kasoo ambabaxay Jubada Hoose ayaa ujedadoodu ay Baydhabo usoo gaaren ku sheegay inay tahay sidii ay u garab istaagi lahaayeen Dowlada Cusub ee Koonfur Galbeed.

wasiiradda KGS
Idale News Online, Baydhabo Janaay

You might also like More from author

Comments are closed.