Madaxweyne Madoobe Nuunow oo Booqasho Ku Tagay Warshad Farsamayneysa Jaajuurka Lagu Dhisayo Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

79

Madaxweynaha owlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Md Madoobe Nuunow Maxamed iyo xubno ka tirsan Gollahiisa Wasiirada ayaa maanta oo Shaley  booqasho ku tegay goob lagu sameeyo Jaajuurka  lagu dhisayo Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Md Madoobe Nuunow Maxamed iyo Wasiiradiisa ayaa waxaa goobta warbixin kaga dhageysteen qaar kamid ah Injineerada gacanta ku haya Warshada farsameynaysa  Jaajuurka  lagu dhisayo Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee Baydhabo.

Madaxweyne Madoobe Nuunow Maxamed ayaa wuxuu u mahad-celiyay shaqaalaha ku howlan soo saarida Jaajuurka, gaar ahaan shaqsiyaadka sida iska wax u qabsa ku shaqeynaya.

Baydhabo oo ah Caasimada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa si xowli ah uga socda howlo dib loogu dhisayo Madaxtooyadii hore iyo qaar kamid ah xarumo ay ku shaqeyn doonto Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Nuunow

Idale News Online, Baydhabo.

You might also like More from author

Comments are closed.