Madaxweyne Xasan Sheekh iyo John Kerry oo ku kulmay Itoobiya.

56

War qoraal ah oo laga soo saarey wasaarada arimaha dibada ee mareykanka ayaa lagu faah faahiyaay kulankii magaalada Addis Ababa ku dhex mary madaxweynaha  Somalia mudane Xasan Sh Maxamuud iyo xoghayaha arrimaha dibadda ee mareykanka John Kerry.

 Hassan-Karry-480x350

Sarkaal u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda   ayaa sheegey in madaxweyne Xasan Sheekh  Maxamuud uu ka codsaday xukumada  Washington arrimo ay ka mid  yihiin dhismaha   ciidamada qalabka sida ee Somalia, kobcinta dhaqaalaha iyo dib u habaynta hay’adaha dowladda Somalia kulankaasi oo ay goobjoog ka ahaayeen xubno katirsan golaha wasiirada.

War murtiyeedkan ka soo baxay wasaraad arimaha dibada eemareykanka ayaa lagu sheegey in madaxweynaha Somalia uu ka faalooday marxaladihii dalka uu soo maray labaatankiis ano ee la soo dhaafay ayna ku began tahay 25 sno guuradii ka soo wareegatay burburkii doqwladii dhexe dadka somaliyeedna ay u baahanyihiin nidaam dowlada nimo isagoona cdsaday in laga kaabo sidii dalka loo gaar siin lahaa doorasho xor ahi.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dowladdu ay horumarro ka sameysay arrimaha ammaanka ayadoo kaashaneysa ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika. Xoghaye Karry ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka dhaceen is-bedello iyo horumar dhabbaha u xaaraya in waddanku uu ka soo kabsado dhibaatada muddada dheer ka jirtay.

Idale News Online.

You might also like More from author

Comments are closed.