Taliska Ciidanka Booliska Oo Ugu Baaqay Shacabka Inay La Shaqeeyaan Hey’adaha Amniga.

47

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed  inay ka feejignaadaan dhibaatooyinka ay maleegayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab sida qarax yada oo ay la beegsanayaan dadka rayidka iyo masuuliyiinta Dowlada iyo goobaha ay u badan yihiin shacabka.

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed G/dhexe  Qaasim Axmed Rooble oo la hadlay warbaahinada ayaa sheegay in ciidamadu ay wadaan howl gallo lagu difaacayo shacabka hase yeeshee loo baahan yahay in bulshadu ay hay’adaha ammaanka ku taageeraan sidii looga hortagi lahaa kuwa dhibaatada ka wada magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Alshabaab ayaa xoogeeda isugu keentay magaalada Muqdisho waxaana laga dareemayaa sida ay qarax yada is xig xiga oo ay ka fulinayaan magaalada Muqdisho.

Hadalka Afhayeenka Booliska ayaa kusoo aadaya iyadoo shalay Alshabaab qarax ay ku dishay Xoghayii hore ee gobolka Banaadir C/kaafi Hilowle Cismaan.

Somali_Booliis-

Idale new Online

You might also like More from author

Comments are closed.