Raa’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo maanta hortagaaya Baarlamaanka Soomaaliya.

39

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federalka ee Soomaaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa waxa uu maanta hortaggi doonaa Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka ee Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaaraha wuxuu maanta uu Baarlamaanka horgayn doonaa qorshaha ku aadan Barnaamijka 2016-ka, ee lagu doonaayo in Doorasho afti dadweyne ah kaga dhacdo Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa dhowaan wuxuu sheegay in Xukuumada Soomaaliya ay ka go’an tahay, qabsoomida Doorasho xalaal ah oo laba sano kadib ka dhacdo sida uu sheegay Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhankiisa wuxuu ku cel celiyay in lagama maarmaan ay tahay, Doorasho xalaal ah oo dhowaan ay ka hirgeliyaan sida uu sheegay Gobolada Soomaaliya oo idil.

Lama garanaayo Baarlamaanka Soomaaliya in uu soo celin doono iyo in kale, qorshaha uu maanta la hortaggi doono Wasiirka 1-aad ee Xukuumada Federalka ee Soomaaliya.

RW.Cabdiwali

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.