Qarax weyn oo lagu khaarijiyey Xoghayihii Hore Ee Maamulka Gobolka Banaadir oo KM4 ka Dhacey.

382

Wararka Naga soo gaarayo caasimadda soomaaliya , ee muqdisho ayaa sheegayaan in qarax wey uu gelgelay, agagaarka kM4,Ee bartamaha magaaladda muqdisho.

sida qof goob jooge ah uu u sheegey shabakada Idale News Online Daqiiqado ka hore, qarax oo ahaa mid aad looga maqaley magaalada. waxaana lala beegsadey qaraxan Xoghayihii Hore EE maamulak Gobolak Banaadir Cabdikaafi Hilowle Cismaa, Goobta qaraxu ka dhacay ayaa la soo sheegayaa inuu jiro jahwareer.

Waxa soo baxaya warar sheegaya in garaxkan ku geeriyooday Cabdikaafi Hilowle Cismaan& Afar caruur ah oo uu waalid ahaa.

saakey ayay ahayd ka dib markii qarax lagu xirey gaari uu lahaa mudane ka tirsan baarlamka soomaaliya ku qarxey degmadda xamar weyne, ee maagaalada muqdisho.

Magaalada muqdisho ayaa ahayd dhawaanahan mid xasilooni ka muuqatey, ayadoona ciidamadda amaanka ku roondeynayeen wadooyinka waa weyn Ee magaalada , isla markaa wasiirka amaanka uu balan qaadey dhawaan inuu ku dadaali doono sugid amaanka qaranka.

si kastaba ha ahaatee, qaraxyadan maanta ka dhacey magaalada muqdisho ayaa waxay ku soo beegmeen , xilli dhawaan la soo gebo gebeey kulan looga hadlaayey amaanka qaran.

breakingIdaleNews

Waxii ka soo kordho kala soco Idale News Online.

 

You might also like More from author

Comments are closed.