XOG: Dagaal Dhimasho & Dhaawac Geestay oo dhax Maray AMISOM iyo Raxano Abeesooyin Halkeey Ku daga…?

20

Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Askar katirsan ciidamada AMISOM ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen weerar layaab leh oo koox bahala ah ku qaadeen.

Raxan Abeesooyin ah si lama filaan ah u Galay Teen Dhooyin ka dhisan saldhigga ciidanka AMISOM ay kuleeyihiin Duleedka Degmada Marka.

Dadka deegaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in 4 Askari ay ku dhinteen gudaha saldhigga halka 5_black_snakekale dhaawacyo halis ah soo gaartay.

Sunta halista mariidka ee ka dhalatay qaniinyada abeesada ayaa dishay askarta halka kuwa kale la il daranyihiin 4 kamid ah abeesooyinkii qaniinyada geystay oo latoogtay ayay ciidamada AMISOM wadada laamiga ah soo dhigeen.

Waa askartii ugu badneed ee AMISOM uga dhimata qaniinyo abeeso sanaddii lasoo dhaafay weerar ay raxan masas ah ku qaadeen ciidanka Uganda.

 

Idale News Online, Qoryooley.

 

You might also like More from author

Comments are closed.