Warbixin Dhab Ah:Hees sababtay Aroos Deg Deg ah By: Asad Dhayow.

57

Waxaa laga yaabaa dad badan arintan in ay layaab ku noqoto, balse waa arin dhab ah oo dhacday runtii, Sideedaba aduunka aynu ku nool nahay waxaa ka dhaca arimo badan oo inta aad nooshahay wax uun baad la kulmaysaa waa halka ay reer xamarka ku maah maahaan “CIMRIGAAGA RAAGAY GEEL DHALLAAYANA WAAD ARKAYSAA”.

Hadaba waxba yaan sharaxaadda kugu daaline, waxaa dhacday sanadkan guddihiisa qiso cajiib ah oo Magaalada Muqdisho ka dhacday taasoo dad badan oo la socday arintaasi illaa hada Tacajab ku ah oo ay iyagoo qoslaya ku sheekaysta marka ay kulmaan.

-Gabar dhowaan qurbaha ka timid oo aan rabin inaan magaceedda Sheego sida aan kusoo balanay ayaa waxa ay furatay goob ganacsi Supermarket oo aad u camiran laguna iibiyo, wax kasto oo laga maar maanka ah.

Gabadhani waxa ay kasbatay Macaamil aad u fara badan, waxaana laga wada hellay service-ka Ama addeega Qiimaha leh ee ay dadka Macaashiisha ugu qidmayso taasoo u abuurtay Macaamil xoog badan oo la isku soo sheeg sheego Maalinkastana meesheedda busy tahay oo illaahay u barakeeyay, Gabadhu waxa ay taqaanaa sida dadka loo soo jiito marka halqasac oo Shaani laga gato waxa ay kuu dhigtaa Kursi, iyaddoo qoslaysa ayey leedahay “Caafimaad ku Cab Huuno, yara Naso inta aad cabayso mahadsanid”

Supermarketkii samadda ayuu gallay gabadhana waxay ahayd gabar Shaqada aad u taqaano oo Qurbaha wax kusoo bartay waxay isku dayaysay maalinkasta in ay daboosho baahidda macaamilkeedda, intaas oo dhan waxaa ka daran erayadda macaanka badan ee ay Macaamiisha kulla hadasho, sidii ay sidaa u ahayd ayaa waxaa dhacday wiil xoogaa dhalin yaro nimadda dhaafay dhanka duqnimadana aan u dhoweyn oo meel dhaxaad ah, ayaa gabadhi ay ka heshay oo macaamilkeedda ahaa maalinkastana wax ka iibsan jiray.

Gabadhu wiilka wuu la kaftamaa wuuna u mahad celiyaa sida Qiimaha leh ee addeega ay dadwaynaha ugu sameyso oo ay u haqabtirtay iyaddoo waliba qurbo uga timid si ay Dadkeedda & Dalkeeda ugu shaqayso, iyadda markasta uu amaano waxa ay ka qaaddaa farxad shaqadeedana way sii jeclaataa una riyaaqdaa.

Xaalku wuxuu sidaasi ahaa ayey daba dhigatay wiilkii muddo markii ay Baaritaan ku haysay waxa ay soo ogaatay inuusan Xaas lahayn, inuusan balwad lahayn, inuu xoogaa dhaqaallo haysto oo uu Hay,add la shaqeeyo.

Gabadhu waxa ay aad u neceb tahay raga balwadda leh wayna ka heshaa kuwa aan balwadda lahayn, baalgamuundaba ha ahaado haduu rabee, wiilkana sababta ay maanka u gashatay waxa ay ahayd inuusan bal wad lahayn, Intaas oo dhan baaritaanka isaga war kama hayo mana mooddo in ay ku mashquulayso gabadhan, laakiin supermarketka kama baaqdo markasta, isaga kama ahan soo jiiddo gabadha oo sidaas wax ugama gato balse maadaama uu uskaabullo yahay waxa uu ka iibsaddaa waxyaabo macmacaanka & waxyaabaha shoping ah,.

Gabadhu meel ay ugu bilowdo maleh ileyn ruux aan war ka haynin oo aan maskaxdiisaba waxaas ku oolin weeye, (Alla dhib badanaa ruux qalbigaaga raacay misna isagana aan wax war ah kaa haynin Miskiin.)

Wiilku niyadiisa kuma soo dhicin marnaba arinta ay gabadhu Maanka gashatay waayo isaga maba is dhihin gabadhan kula level ah oo waaba ka baqaa arimahaas maba hawaysanin waligiisa balse xushmad wallaalnimo & Wanaag caadi ah ayuu kula kaftamaa, laakiin iyadda arinta ay damacsanayd Taas waa uu ka duwanaa, illeyn jacaylku sibiq buu kugu gallaa waxaan maqli jiray biddaari Sibiqbay kugu gashaaye, Callaakulli Xaal war iyo Dhamaan gabadhi dad ay la tashato way waysay oo way baqanaysay wiilkiina waaloogu sir waramay oo warbixin buuxda ayey ka haysaa, kaliya sida ay weerarka ku qaadi lahayd ayaa u harsanayd.

Habeen habeenadda ka mid ah ayey si kas ah u wacday wiilka ileyn Nunmberkiisa way haysataa oo Addega EVC PLUS ka ayuu kaga addeegtaa oo numberka sidaas ku save garesatay laakin isaga ma save gareesan waayo Dukaanka ayuu dhagan yahay numberka marka uu lacagta u wareejinayo halkaasi ayuu ka eegtaa, habeenkii marka ay wacday waxa ay tiri “haye maxaa lacagta igu soo tuuri waysay soo dayn kuguma lahayn” wiilki waa uu naxay codkeedana wuu gartay laakiin lacag kuma lahayn balse iyadda kas ayey ka ahayd xoogaa markii uu aamusnaa ayuu ku yiri” waan ka xumahay waxaan u malaynaa ruux kale ayaad igu qaladay” ka dibna sidii ku damisay.

Meel ay ka bilowdo male maskiinta wax ay sameeyso ayey garan waysay laakiin habeenkaas xoogaa Codkiisa ay maqashay dawo ayuu u ahaa oo ay ku seexatay.

Asad Dhaayow

Maalintii kale uu yimid ayuu u sheegay in xalay numberkeedda laga soo wacay balse inta uusan hadalka billaabinba iyadda kaga hormartay “Sorry Number ayaan kugu qalday oo nin aan lacag ku lahaa ayaan kugu qalday ee waan kaa xaal marinayaa wallaal Sorry again”

Waxaa la yiri waxaad qarsato way ku qarsadaan gabadhi waxay go,aansatay in ay banaanka isasoo dhigto wixii ka dhacaayo haka dhaceene, maalin ayey fursad yar heshay isagoo cabitaan qabow cabaya waxa ayna ku tiri “wallaal Mobilekaaga Bluetooth kiisa furo hees aan aad uga hello ayaan kuu xawilayaa caawana waan kusoo wacayaa waxaad ii sheegtaa waxa kaaga baxay heesta marka aad dhagaysato miraheedda”.

Isagoo yaaban marna naxsan marna gariirayo ayuu furay Bluetooth ka si loogu xawillo heesta ay sheegayso gabadha, sidiina ugu xawishay.

U xawiladda heestaasi waxa ay u aragtay fursadda kaliya ee ay fariinteedda ku gudbisan karto habeenkiina way wacday isagoo dhagta ku hayo oo marba kusoo ceceshanaya heesta, wuuna fahmay ujeedka illeyn reermagaalka way is fahmaan sidiina Doonta ula raacay micnaha ka qaballay oo ay sidii ay iskulla jaan qaadeen muddo ka dibna wiilkii wuuba diyaarsanaa waxa uu raadinayay gabar uu la aqal gallo iyadiina iyadoo qanacsan marwadiisa noqtay.

Dhamaad

By Asad Abukar Ali (Asad Dhayow)

Idale News Online,Muqdisho.

You might also like More from author

Comments are closed.