DF Soomaaliya: Wax ayaan ka qabanaynaa xuquuqda shaqaalaha.

59

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay wax ka qaban doonto xaaladda shaqaalaha ee dalka.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu dalka kasoo kabsanayo dagaalo sokeeye.

shaqaale-tababar-suudaan
Soomaaliya ayaa lagu tiriyaa in ay ka mid tahay meelaha uu aadka u hooseeyo xuquuqda ay helaan shaqaalaha.

Si arrintaa loo horumariyana dowladda Soomaaliya ayaa bishii Maarso ee sanadkan, waxa ay heshiis la gashay Ururka Shaqaalaha Adduunka ee magaciisa loo soo gaabiyo (ILO).

Magaalada Muqdishana waxaa maanta lagu qaban doonaa munaasabad ku aadin xuska 1-da Mey.

Haddaba, waxaanu arrintaa ka wareysanay wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Luqmaan Ismaaciil Maxamed, waxa uu u warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare oo waydiiyay xaaladda shaqaalaha ee Soomaaliya.

Wuxuu shegeay in shaqaalaha Soomaaliyeed la diiwaangaliyay sannadkii 2006-dii buburkii kaddib oo ay hadda ku howlan yihiin siddii xuuqaqahooda loo siin lahaa.

Wuxuu kaloo sheegay in qaar ka mid ah ururada shaqaalaha in ay la shaqeeyaan wasaaradooda sidda uu yiri.
Idale News Online,Muqdisho.

You might also like More from author

Comments are closed.