Soomaalida lacago laaluus ah ayey siiyaan askarta Kenya.

66

Talafishanka caalamiga ee Al-Jazeera ayaa qoray warbixin uu uga hadlaayo howgalada ciidamada Kenya ay ak wadaan magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada ay ku badan tahay Soomaalida ee Easteigh.

Wariyaha warbixintan qoray ayaa leh tan iyo markii uu billowday howgalka waxaa aad u yaraaday socdka waddooyinka xaafadda Islii, waxaa kaloo yaraaday dadkii imaan jiray goobaha lagu shaaxo ee halkaas ku caweyn jiray.

Goobaha qaadka lagu cuno ayaa noqday kuwa haawanaya, sidoo kale waxaa yaraaday dadka imaan jiray goobaha muusiga lagu cayaaro.

Qaar ka mid ah Soomaalida ku dhaqan Islii ayaa la hadlay saxaafadda, waxaana ay sheegeen in iyagoo leh sharci ama ID Card in laga qaado lacago baad ah ama la dhaho waa la idiin xiraa,

“Ma rabaan booliska ID Card ama warqadda sharciga oo waxaa lagu weyndiin laaluush haddii kale waa lagu xirayaa” ayuu yiri mid ka mid ah Soomaalida ku dhaqan Kenya.

Habeenkii Sabtida haweeney uur leh oo Soomaali ah ayaa iska soo tuurtay dabaqa seddaxaad iyadoo markaas islahayd ku dhuumo daaqad ku taalla qolka ay ku jirtay markii booliska ay ku soo garaaceyn.

Dhaawac ayaa soo gaaray waxaana ay hadda jiiftaa Isbitaal.

Nadiifo Cabdi waxa ay lee dahay waxaan heestaa warqad sharci ah oo ku joogayo dalka Kenya, bale waxaan booliska uga dhuuntay waxa ay ku weydiinayaan lacag laaluush ah, mana heynin xilligaas lacag badan, saxaafadda ayey sidaas u sheegtay.

“Ma ahan markii ugu horeysay oo ay ii soo garaacaan guriga xilli dambe” ayey ku sii dartay hadalkeeda.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta wuxuu sheegay in ay sii socon doonaan howlgalada, iyadoo tobanaan kun oo qof la xiray kuwaasoo looga shakisan yahay Al-Shabaab

Arbacadii hore, baabuur ku qarxay ilinka hore ee saldhiga booliska ee Pangaani waxaa ku dhintay afar qof oo ay ku jiraan labo boolis ah.

Inta badan howgalada Nairobi ka socda ayaa lagu sheegay in u jeedkiisa uu yahay siddii loo xoojin laha ammaanka caasimada Kenya.

Siddee u aragtaa qoraalkan akhriste?

somalia-

Idale News Online, Kenya.

Xigasho: Al-Jazeera

You might also like More from author

Comments are closed.