Daawo Sawiradda:Gabar Yar Oo 4Sano Jir ah Oo Habar Yarteed Ninka Qaba Uu Si Xun U Jir Dilay .

56

Waxaa mudooyinkii u danbeeyay magaalada muqdisho laga maqlayey dhacdooyin argagax leh aan horay looga arag kadib markii nin Xaaskiisa gabar yar ay habar yar u tahay uu  si xun u jir dilay.

Gabadhan yar ayaa waxaa da’adeeda lagu sheegay 4jir oo sidan loo jirdilay ayaa mudo ka hor waxaa geeriyooday abaheed waxaana sidaas yiri hooyada gabadhan dhashay oo maskaxda looga jiro ama cafimaadkeeda uusan dhameystirneen waxaana gabadhan yar ay ku noleed guriga Habaryarteed oo ah midka hada dhibaatadan loogu geystay

Si kastaba ha ahaatee Marka uu falkaan dhacay ayaa waxaa wax laga weydiiyay xaaska ninkan dhibka geystay oo aheyd gabadha habaryarteed waxa ay ku jawaabtay in gabdha uu abtigeed canaanayay isaga oo sidan u dilay xili ay gogol ay ku fadhisay ku kaadisay.

Ninka gabadhan yar sida waxuushnimada  u jir dilay ayaa waxaa la sheegay in uu ka mid yahay ciidamada dowlada Somaliya Gaar ahaan kuwa Militeriga.

Ma aha Markii ugu horaysay uu askaro katirsan ciidamada dowladda Soomaaliya uu dhib noocan oo kale ah uu u geysanaayo familkiisa ha ahaato xaaskiisa ama caruur ay dhashay.

4a 5a 6a 7a 8a 9a 10a 11a 12a 13a 14a 15a 16a 17a 19a 20a 1a 2a 3aIdale News Online.

You might also like More from author

Comments are closed.