Daawo Sawiradda:Midowga Ardayda Soomaaliyeed Oo Wacdaro Ka Dhigay Bandhig Dhaqameed Loo Qabtay.

54

Bandhig dhaqameedkan  oo ay soo  abaabushay Jaamacadda Culuum  ee (UST)  oo ka mid ah Jaamacadaha gaarka loo leeyahay tan ugu magaca dheer  ee dalka Yemen, ayaa  waxaa loo qabtay ardayda wax ka barata Jaamacadaha kuwaa oo ka kala yimid wadamo iyo Qaaraddo kala duwan, sida (Turkiya, Yemen , Soomaaliya, Jabuuti, Pakistan , Suuriya, Ciraaq, Suudaan, Falastiin, Malaysia iyo wadama kale).

Ardayda Soomaaliyeed ayaa sanadkan wacdaro lama iloobaan ah ka dhigtay Bandhigan iyadoo ay tahay sanadkii ugu horeeyay oo ay si toos ah uga qeyb galaan.

Bandhig dhaqameedkan  oo ah mid sanad waliba ay Jaamacada u qabato Ardaydeeda qeybta gabdhaha iyo wiilasha ayaa noqonaya kii 20-aad oo ay Jaamacadu qabato, kaasi oo ahaa mid si qaas ah loogu tala galay qeybta gabdhaha ee wax ka barta Jaamacada.

Ardayda  Soomaaliyeed ayaa ku soo bandhigtay Bandhig dhaqameedkan ” HIDAHA IYO DHAQANKA  QURUXDA BADAN EE SOOMAALIYEED”  taasi oo ay Ardaydii iyo mas’uuliyiintii wadamada kale ee kasoo qayb gashay bandhigan ay aad ula dhaceen, sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Bandhigani kooxda (SOOMAALI  WA- AFTAKHIR) ee uu horseedka u yahay munshidka weyn C/RASHIID MUXYIDIIN KAALMOOY iyaga oo meesha kusoo bandhigay nashiidooyin aad u qiiro badan oo ka hadlaya quruxda iyo sharafta wadankeena.

3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 1a 2

Idale News Online.

You might also like More from author

Comments are closed.