Ciidamada Itoobiya oo sarkaal katirsan Ciidamada Militariga ku xiray Degmada Luuq Ganaane.

43

Wararka aanu ka heleno Degmada Luuq ee Gobolka Gedo aya waxa ay shegayaan in Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gobolkasi ay xabsiga u taxaabeen Diyaad Cabdi Kalil oo ka tirsan Sarkiisha Ciidamada Dowlada ee Gobolka Gedo.

Mas uul ka tirsan Ahlusuna oo ku sugan Gobolka Gedo oo diiday in magaciise laxigto  ayaa inoo xaqiijiyay Xariga Diyaad Cabdi Kaliil oo hada u xiran Ciidamada Itoobiya.

Sidoo kale mas’uulkan Ahlusan ka tirsan ayaa shegay in ciidamada Itoobiya ay xireen Maxkamadi Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Talaabada ay ciidamada Itoobiye ku xireen Diyaad Cabdi Kaliil oo ka tirsan Ciidamada Militariga Dowlada ayaa ku soo aadaya xili dhawaan Ciidamada Itoobiya ay xireen Mas’uuliyiin ka tirsan Ahlusuna oo ku sugan Gobolka Galgadud kuwaas oo ay geeyeen magaalada Jig Jiga ee dhulka ismaamulka somaliyada Itoobiya.

Ciidanka DF

 

Idale News Online, Luuq Ganaane.

You might also like More from author

Comments are closed.