C/qeybdiid oo ka hadlay biyo la’aan ka jirta Galmudug.

Madaxweynaha maamulka Galmudug, Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa ka hadlay xaaladda deegaanno hoos taga maamulkiisa oo uu ka jiro jiilaal kulul oo sababay khasaare dhinaca xoolaha ah.

Qeybdiid oo Gaalkacyo kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulka Galmudug oo kaashanaya shacabka uu u gurmanayo dadka ay saamaysay biyo la’aanta jiilaalka.

Wuxuu ka codsaday hay’adaha gargaarka iyo dadweynaha inay ka qayb qaataan gurmadka loo fidinayo dadka iyo xoolaha ku nool deegaannadaas.

Cabdi Qaybdiid oo ka digay in Shabaabku ay ku soo firxadaan Galkacyo

Deegaannada ku teedsan xeebaha ee maamulka Galmudug ayaa lagu soo warramayaa in uu ka jiro jiilaal sababay biyo la’aan ay ku dhinteen xoolo badan.

dale News Online, Galkacayo.

Comments are closed.