Daawo Sawiradda: Puntland oo soo bandhigtay Al Shabaab.

50

Ciidamada ammaanka maamulka Puntland ayaa howlgalo ay sameeyeen kusoo qabtay in kabadan 10 ruux oo la tuhunsanyahay inay ka tirsan yihiin kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Hawlgalkan ay sameeyeen ciidamada ammanka magalada Boosaaso ayaa waxa ay ku soo qab qabten 12 qof oo ay shegeen in ay ka tirsan yihin kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Dalka, waxaana ciidamada ammanka Boosaso ay soo bandhigeen nin katirsan dadkii Laso qabtay oo damacsana in u qarax ka fuliyo xarun Dawli ah Balse qaraxa ay fashiliyen Ciidamada ammanka sida uu sheegay Taliyaha qaybta Gobolka Bari Cabdiraxman Maxamed Cabaas, waxaana uu Taliyaha qaybta sheegay in Ciidamada ammaanka Bosaaso ay maalmahaan wadeen howl galo ammanka lagu xaqijijnayo.

Sidoo kale waxaa warfidiyenada la hadlay ninkii lagu soo qabtay qaraxa ee ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab waxaana u sheegay in uu ka tirsan yahay Kooxda Al-Shabaab Dhawana u ka mid noqday,

Si kastaba ha ahaatee ciidamada ammanka Bosaaso ayaa mudooyinkan waxa ay wadeen Hawlo baaritano ay ku baadi goobayan Kooxda Al-Shabaab, iyagoo guri guri u baarayay Xafadaha magaalada Bosaaso ee gobolka Bari.

sawiro-8sawiro-21sawiro-24sawiro-171

Idale News Online, Basaaso

You might also like More from author

Comments are closed.