Labo Askari, oo ka Soojeedo Beesha Aw-Digil oo lagu Toogtey Degaanka Bariire Ee Goblka Shabellaha Hoose.

Wararka ka Imaaneya  Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegayaan  in Tuulada Bariire  oo hoostagdo Degmada Awdheegle lagu diley 2 Askri oo u socdey Degmada Qoryooley. Sabata loo diley ayaa lagu sheegey in tahay hub ka dhigis.

labadaan Askari ayaa lagu kala Magacaabi jirey Marsheey oo Kasoo jeeda Beesha Jiido, iyo Jaangoow oo kasoo jeeda Beesha Garre, raggaa  diley ayaa kasoo jeeda Beesha Mudulood Abgaal sida inoo xaqiijiyey goor dhaweyd sarkaal ka tirsan maamulka Gobolka Shabellha Hoose.ciidanka dilka geysta ayaa waxa  Hogaamiya Sarkaal  lagu sheegey Cismaan Shiikhaal.

 Arintan ayaa imaaneysa xilli   Afar Habeen ka hor  Masjid ku yaalo Tuulada Muuri ee Degmada Afgooye lagu diley 6 ka mid ah Jamaacadii Masjidkaasi, isla marjaana Laguna dhaawacey 5 kale, iyadoo lagu sheegay ragga wax laayey in ay ka soo jeedaan Beesha Mudulood , waxaa kaloo jirey in 8 Askari iyo 12 Qof oo rayid ah muddo 3 bil kahor lagu diley isla isbaaradaan laga galo Tuulada Bariire, waxaana geystey isla maleeshiyadaan.

Arrimahaan waxay u egtahay wixii ay sameyn jireen Maleeshiyadii Madarkicis  Ee  xooga ku haysan jirey Gobolka Shabellaha Hoose mudadii colaada sokeeye ka aloonsanayd wadanka soomaaliya.

xasuuq

Idale News Online,Bariir.

 

Comments are closed.