Dhageyso: Dagaal udhaxeeyey Al Shabaab iyo AMISOM oo ka dhacayDegnadda Ceel buur

47

Dagaalka oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa waxa uu dhacay kadib markii weerar ay soo qaadeen ciidanka Al Shabaab iyagoona dagaal la galay ciidanka dawlada oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ee kasocda Itoobiya.

Inkastoo khasaaraha kala gaaray ilaa hadda aan lasoo sheegin inta uu gaarsiisan yahay ayaa hadana waxa xusid mudan in dadkii deggenaa Ceel buur ay kol hore iskaga barakaceen halkaasi.

Yacquub

Gudoomiyaha Al Shabaab ugu magacaaban gobolka G/gaduud Shiikh Xasan Yacquub Cali oo la hadlay warbaahinta Afkooda ku hadasha ayaa sheegay inay go’doomiyeen Ciidanka wadajirka ah ee kusugan gudaha degmada Ceel buur.

Waxa uu Xasan Yacquub sheegay inay Saad markii ay rabaan ciidankaasi huwanta ah ay la kulmaan gaadiid dagaal iyo Hub ay wataan kadib weeraro qorsheysan ay la daba joogaan sida uu hadalka udhigay.

 Halkaan ka dhageyso Hadalka Al Shabaab kasoo baxay & Dagaalka Ceel buur ka dhacay.

[audio:javascript:;|autostart=yes]

Idale News Online.

You might also like More from author

Comments are closed.