Madaxweynaha Soomaaliya oo u dhoofay Jabuuti.

22

Maxweynaha Soomaaliya  Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka udhoofay dalka Jabuuti ee Jamhuuriyada dalkaasi, iyadoo safarka Madaxweynaha uusan aheyn mid horay loosii ogaa.

Saacada markii ay aheyd 9:00 Subaxnimo ayaa Madaxweynaha Soomaaliya iyo xubno la socday ay ka dhoofeen Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

Lama oga ujeedka rasmiga ah ee uu ku qotoma safarka Madaxweynaha Soomaaliya uu ugu ambabaxay dalka Jabuuti iyo waxyaabaha madaxda dalkaasi Jabuuti ay kasoo wada hadli doonaan.

Saxaafada wax warbixin ah lagama siin Safarka Madaxweynaha uu ku aaday dalka Jabuuti, hayeeshe Saraakiil ka tirsan madaxtooyada ayaa sheegay in suuragal ay tahay in isla galabta Madaxweynaha uu dib ugu soo noqdo Magaalada Muqdisho.

Jabuuti ayaa waxa ay kamid tahay dalalka Soomaaliya ay ciidanka ka joogaan, sidoo kale taageero ballaaran siiya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shalay ayey aheyd markii Madaxweynaha Soomaaliya uu Villa Somalia kula kulmay Saraakiil ka socota Dowladda Mareykanka, uuna kala hadlay arimo ku saabsan amniga.

xasan sheekh

Idale News Online.

You might also like More from author

Comments are closed.