Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta Sii wadaya Su’aalo weydiinta Wasiirka Amniga.

25

Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa maanta sii wadaya Dood ku aadan Su’aalo weydiinta Wasiirka Amniga Soomaliya C/kariin Xuseen Guuleed.

Teaser Image Baarlamaanka oo maanta Sii wadaya Su’aalo weydiinta Wasiirka AmnigaGudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof.Max’ed Sh Cismaan Jawaari  ayaa sheegay in Baarlamaanka maanta ay sii anba qaadayaan Su’aalo ku saabsan Amaanka Dalka oo wax laga Weydiinayo Wasiirka Amniga C/kariin Guuleed.

Sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu Asna maanta hor imaanayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya C/laahi Goodax Barre.

Waxaana wax laga weydiinayaa  Maamul Goboleedyada Dalka ku soo batay,sida loo magacaabo Gudoomiyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Arrimo kale.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale hor tagaya maanta Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya,Ambaasador Max’ed Cali Nuur Amerika,ayadoona Baarlamanaka uu wax ka weydiinayo Dhibaatada Kenya ku hayso Soomaalida Dalkeeda ku Nool.

Idale News Online, Muqdisho.

You might also like More from author

Comments are closed.