Man City Oo U Soo Dhawaatay Hogaanka Horyaalka Kadib Guul Ay Ka Gaartay Crystal Palace. + Sawirro.

38

Man City Oo U Soo Dhawaatay Hogaanka Horyaalka Kadib Guul Ay Ka Gaartay Crystal Palace. + Sawirro

Man City ayaa soo gaba gabaysay guulihii isku xig xigay ee kooxda Crystal Palace kadib markii ay 0-2 ku garaacday caawa ciyaar ay intabadan iska maamulanaysay kooxda Man City, Yaya Toure ayaa dib u soo laabtay isagoo ku daah furay gool kulan kiisii ugu horeeyay kadib laba isbuuc oo uu dhaawac ahaa.

4 Daqiiqo kaliya ayeey ku qaadatay Man City inay soo taabato shabaqa kooxda Crystal Palace kadib kubad uu soo qaaday Yaya Toure Edin Dzeko ayaa madax habaysan dabamariyay gool haye Speroni isagoona ciyaarta ka dhigay 0-1.

Dzeko

Crystal Palace ayaa isku dayday inay soo bar barayso lakiin uma suuro galin, 43 daqiiqo Yaya Toure ayaa hogaanka u sii dheereeyay kooxdiisa kadib weerar habaysan oo ay sameeyeen ciyaartoyda City Samir Nasri ayaana baas habaysan u sii dhigay Yaya Toure isagoo sii daba mariyay gool haye Speroni wuxuuna ka dhigay ciyaarta 0-2.

Qaybtii danbe labada kooxood ayaa halkooda ka sii waday weerar ka iyagoo iska qasaariyay fursado fiican, badaladii Palace ayaan waxba kabadalin ciyaarta iyadoo ugu danbayntii ay ku soo idlaatay 0-2 oo ay guushu ku raacday kooxda Manuel Pellegrini ee Man City.

Guushaan ayaa ka dhigaysa in kooxda Man City ay u soo jirsatay hogaanka horyaalka 3 dhibic iyadoo ay u harsantahay hal kulan oo hadii ay badiso ay la wareegi doonto hogaanka horyaalka.

BmPmgtOIAAAA6KQIdale News Online, Wararka Ciyaaraha.

You might also like More from author

Comments are closed.