Wasiirka Wasaaradda Garsoorka iyo Cadaalada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed soomaaliya oo maanta booqdey Xarumaha Wasaaradaasi.

35

Wasiirka wasaarada garsoorka, cadaalada iyo kobcinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Dr. Maxamed Cali Xaamud ayaa waxa uu maanta booqasho indha indhayn ah kusoo maray dhamaan xarumaha wasaaradaas ee magaalada Baydhaba.

Mudane Maxamed Cali Xaamud ayaa waxa uu warbixino ka dhegaystay masuuliyiinta xarumihii uu soo booqday maanta iyo weliba shaqaalaha qaar kamid ah xarumahaas.

Goobaha uu wasiirku soo booqday ayaa waxaa qaarkood ka muuqday bur bur lixaad leh oo ay dagaaladii soo maray magaalada Baydhaba ku reebeen.

Wasiirada dowlad goboleedka Koonfur galbeed qaarkood ayaa dhawaanahaanba waday howlo ku aadan wasaaradahooda ayaga oo ay qaarkoodna si toos ah u howl galeen buuxiyeena howlihii wasaaradahooda.

Dr.Maxamed Cali Xaamud
Idale News Online, Baydhabo.

You might also like More from author

Comments are closed.