Shir siyaasadeed oo madax kala duwan uga furmay Dalka Itoobiya

33

Madaxda dalalka Africa iyo ergo ka kala socota dhawr wadan oo caalamka ah ayaa ku qul qulaya magaalada Addis-Ababa ee xarunta wadanka Ethiopia halkaasi oo uu maanta ka furmayo shir madaxeedka wadamada Africa iyo ee Tana  la yiraahdo.

R/wasaaraha Ethiopia  Hailemariam Desalegn oo madaxda kulankaan ka qeyb galaysa soo dhaweynayay ayaa sheegay in kulankaan si gaar ah diirada loogu saarayo amaanka iyo xasiloonida qaaradda Africa gaar ahaan wadamada dhaca geeska Africa.

Ergo ka soco beesha caalamka iyo hay’addo aan dawli aheyn ayaa ka qeyb gali doona kulankaan waxaana ay ka hadli doonaan caqabadaha dhanka amaanka ee qaardda ka jira.

M/weynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Max’ud ayaa ka qeyb gali doona kulankaan Addis-Ababa ka dhacaya sida ay baahiyeen warbaahinta dalka Ethiopia.

ethiopian-flag-eprdf

Idale News Online.

You might also like More from author

Comments are closed.