Daawo Sawiradda Subxaanallaah Nin Isagoo Sujuudii Ku Jira Ay Naftu Ka Baxday.

34

Nin u dhashay wadanka malaysia ayaa waxaa dhacday in isagoo saalaad ku dukanaayo masjid ku yaala gobol ka mid ah gobolada wadanka Malaysia oo ku geeriyooday masjidka.

Marxuumka dhintay ilaahey jannadii firdowsa haka waraabiyee ayaa waxaa ay naftu ka baxday isaagoo sujuudii ku jira qaar ka mid ah dadka masjidka salaada ku dukanaayey ayaa ka shakiyey marxuumka dhintay kadib markii ay arkeen in uu sujuudii ku dheeraaday oo aanu kasoo tooseynba .

Dadkaan muslumiinta ah ee masjidka kula dukanaayey marxuumka ayaa fiiriyey Ninka Geeriyooday kadibna waxa ay ogaadeen subxaanallaah in ay goor hore naftii ka baxday.

Marxuumka ay sujuuda isagoo ku jira ay naftu ka baxday ayaa la sheegay in wajigiisa laga dareemayey farxad yar nin kan ayaa nasiib u yeeshay isagoo allaah u dhow in ay naftu ka baxdo waxaanu ognahay in qofka uu xilliga  Ilaahey uu ugu dhowyahay in ay tahay marka uu sujuuda ku jiro.Ilaahow khaatumadeena noo wanaaji oo intii muslima oo dhimatayna jannadii firdowsa kawaraabi.

sajadan

Idale News Online.

You might also like More from author

Comments are closed.