Shabeelaha Hoose: Shacab lagu laayay Masjid ku yaalla Deegaanka Muuri.

57

Ugu yaraan Lix Qof, ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen Rasaas Koox hubaysan ay ku fureen Dad Shacab ah oo ku sugnaa Masjid ku yaalla Deegaanka Muuri, ee G/Sh/Hoose.

Teaser Image Shabeelaha Hoose: Shacab lagu laayay Masjid ku yaalla Deegaanka Muuri

Niman xiran Tuutaha/Dareeska Ciidamada Militariga Dowladda Federaalka ah, kuna hubaysnaa AK-47 ayaa Gudaha u galay Masjid ku yaalla Deegaanka Muuri wax yar kahor inta aan la tukan Salaadii Maqrib ee Xalay, waxaana ay Raas ku fureen Jameecada Masjidka.

Weerarka Arxan darrada ah, ayaa waxaa ku dhintay 6 Qof, oo u badan Dhalinyaro la sheegay in markaasi ay Qur’aanka Kariimka ku baranayeen Masjid, sida ay Goobjoogiyaal u xaqiijiyeen warbaahinta.

Lama oga Sababta ay Raggan hubaysan u bartilmaameedsadeen Dadka Shacabka ah ee ku cibaadaysanayay Masjidka Deegaanka Muuri, balse Falkan Foosha xun ayaa Cabsi geliyay Dadka Deegaanka oo sheegay in ay si aad ah uga naxeen waxii dhacay Xalay oo Arrin ku cusub ahayd.

Raggii Dadka laayay ayaa baxsaday Weerarka kadib, iyadoo ay Shacab fara badan ay tageen Masjidka si ay usoo qaadaan Meydadka 6-da Wiil & mid kaloo dhaawac kasoo gaartay Rasaasta.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Dhacdadan ay la xariirto Aano Qabiil oo ka jirta Deegaanka, oo dhowaan Dagaallo Dhiig ku daatay ay ka dhaceen. Ciidamada DFS ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa inta badan u kala safta Qabaa’ilka halkaasi ku dagaalama.

Deegaanka Muuri waxa uu ku yaalaa inta u dhaxeyso Degmada Afgooye iyo Deegaanka Nambar Konton (No.50) ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Idale News Online -Muuri.

You might also like More from author

Comments are closed.