Ciidamo ku Dagaalamay Gobolka Shabellaha Hoose.

33

Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku Dagaalamay Deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

Teaser Image Ciidamo ku Dagaalamay Shabellaha HooseDagaalka ayaa ka dhacay Deegaanada Warmaxan iyo Buufoow oo Gobolka shabellaha Hoose ka tirsan,waxaana Dagaalka uu geeystay Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac ah.

Gudoomiye Xigeenka Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose Cumar Maxamuud Cilmi ayaa u sheegay warbaahinta  in Dagaalka uu u dhaxeeyey Ciidamada Nabadsugida iyo Milatariga Soomaaliya.

Cumar Carabey ayaa sheegay  in Dagaalka uu yimid ka dib markii Ciidamada Milatariga ay Isbaaro Dhigteen Deegaanka Warmaxan,Ciidamada Nabadsugidana ay Dagaal ku qaadeen.

Inta la Xaqiijiyey Labo Askari oo ka tirsan Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa  Dagaalka ku Geeriyooday,ayadoona uu jiro Dhaawac soo kala Gaaray.

Wali Xiisad ayaa laga Dareemaya Deegaanada Warmaxan iyo Buufow oo ay ku dagaalameen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Idale News  online , Afgooye.

You might also like More from author

Comments are closed.