Sababaha ka danbeeyay is casilaada Eng. Yariisoow.

44

Afhayeenkii Madaxtooyada (Villa Somalia) ahaana la taliyaha Madaxweynaha Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow), oo maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaas, ayaa waxaa soo baxaya warar kala duwan oo la xiriira sababaha uu isku casilay.

Eng. Yariisoow oo wareysi siinayay Idaacada Barkulan, ayaa sheegay in is casilaadiisa aysan ka danbeyn Khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo M/weynaha.

Laakiin warar hoose ayaa sheegaya, in Eng. Yariisoow, uu Cadaadis kala kulmay Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Thaabit Axmed, oo ah u dhaxday Gabar uu Abti u yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, taa oo ay dhashay Walaashii Nuurta Sheekh Maxamuud.

Warar kale ayaa sheegaya in Eng. Yariisoow uu Saddax Toddobaad kahor mar ka tagey Shaqada, balse Wadahadal & Waan-waan kadib dib loogu soo celiyay, laakiin Dhibaatada uu kala kulmiyay Thaabit aysan joogsan, ugu dambeyna Maanta si toos ah uga tagay Villa Soomaaliya.

Eng. Yariisow, ayaa 15-kii Bishii April ee Sanadkii 2013-ka loo soo magacaabay Afhayeenka Madaxtooyada iyo La-taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxa’uud.

Idale News Online.

You might also like More from author

Comments are closed.