Daawo Sawiradda: Faahfaahin Dheeraad Ah oo Ka Soo Baxaysa Qaraxyo Dad Ku Dhinteen oo Ka Dhacay Magaalada Nairobi.

66

Warar faafaahsan ayaa ka soo baxaayo Weerar xalay lagu qaaday Saldhiga Pangani oo ah Xarun ay Maamulaan Booliska Kenya laguna Xiro inta badan Soomaalida ku dhaqan Magaalada Nairobi gaar ahaana Xaafada Islii.

Wararka laga helayo Magaalada Nairobi ayaa sheegaayo in tiro 4 qof ah ay ku dhinteen qaraxaan oo loo adeegsaday Baabuur walxaha qarxo laga soo buuxiyay waxaana ku dhaawacmay ilaa 7 ruux oo kale kuwaas oo hada lagu dabiibaayo Xarumaha Caafimaadka ee Magaalada Nairobi.

Qaraxaan ayaa ku soo aadaayo ayadoo Magaalada Nairobi Mudooyinkii la soo dhaafay ay ka jireen howlgalo lagu bartilmaamaysanaayo Soomaalida ku nool halkaasi, waxaana Caawa ka jiro Magaalada Nairobi walwal badan oo haysto Soomaalida ku dhaqan halkaas kuwaas oo awalbo Ciidamada Kenya Kala kulmaayay Tacadiyo iyo waxyeelo joogto ah oo  ka baxsan bini aadnimada.

41325

You might also like More from author

Comments are closed.