Baarlamaaka Somalia oo loo gudbiyay sharciga la dagaalanka Argagaxisada.

39

Xukuumada Soomaaliya ayaa u gudbisay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u gudbisay sharciga la dagaalanka Argagixisada, kaasoo lagu wado in dhowaan ay meel mariyaan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed ayaa sheegay in Baarlamaanka ay u gudbiyeen barnaamijkii la dagaalanka Argagixisada oo uu tilmaamay in muddo la diyaarinayay.

“Sharcigii la dagaalanka Argagixisada oo aan fileyno in Baarlamaanka uu meel mariyo ayaa u gudbinay, runtii sharcigaas inuu noqdo mid qabta kooxaha dhibka ku haya dalka”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay shirka amniga qaranka oo shalay lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho, isagoo ugu baaqay hey’adaha amniga iyo shacabka inay wada shaqeyn dhex marto, si ammaanka loo sugi.

Xukuumada Soomaaliya ayaa in muddo ahba waday diyaarinta sharciga la dagaalaka Argagixisada, waxaana hadii uu meel mariyo Baarlamaanka ay noqoneysa mid sharciga uu hir gelo, lana mid noqdo sharciyada dalalka caalamka u dejiyeen  Argigixisadda.Xildhibaanada-BaarlamaankaIdale News Online.

You might also like More from author

Comments are closed.