Warbixin: Suuq xumo ayaa ku dhacay Caanihii Geelle ee lagu iibin jiray Eastleigh?

0 47

Ganacsatada iibiya caanaha Geella ayaa dhaqaale xumo ay la soo daristay kaddib markii howgallo ciidamada Kenya ay ka billaabeen xaafada Soomaalida ay ku badan tahay Iskii ee Nairobi.

Mareegta NairobiNews ayaa ogaatay in caanaha laga keeno magaalooyinka Isiolo, Garissa iyo Moyale ee la keenaayay xaafadda Eastleigh uu ku dhacay suuq xumo kaddib markii baaritaan iyo jid gooyooyin ay la kulmeen.

Suuq xumo ayaa ku dhacay Caanihii Geelle ee lagu iibin jiray Eastleigh?

Mr Jamaal Nassib  wuxuu ka shaqeeyaa Takaasida imaatay Islii wuxuu sheegay in shan bas caaddi ahaan ay ka imaan jireen magaalada Isiolo kuwaasoo wada ku dhawaad 500 oo litir, isagoo intaas ku daray in tan iyo marki ay bilaabteen howgalada in ay yimaadaan ilaa 100 gaadidka caanaha,

Mar la weydiiyay sababta, wuxuu tilmaamay in Soomaali badan oo ku noolaa Islii ay dalka isaga carareen kuwa kalena ay u laabteen xeryaha qoxootiga Kenya ee dhadhaab iyo Kaakumo.

Faadumo Yaasin waa 30-jir, waxaa u imaan jiray macaamil fara badan ka hor inta uusan howgalka bilaaban balse hadda waxa ay lee dahay ma aqaano waxa aan sameenaayo haddii howgalka uu sii socdo.

“Markii hore halkii Litir oo caano geel ah waxaan ku iibin jiray Sh150 balse hadda waxaa igu dhacay dhibaato dhaqaale maxaa yeelay waxaa lagu iibiyaa inta u dhexeysa Sh80 iyo Sh100,” ayey tiri.

Aragtidaada ka soo dhiibo qoraalkan?

 

 Idale News Online, Kenya.


You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.