Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in Xarakada Al Shabaab ay cadow ku tahay Soomaalida oo dhan.

33

Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa wuxuu si weyn kaga carooday dilalka ka dhacaaya Magaalada Muqdisho, ee loo geysanaayo Xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka.

Gudoomiye Ku Xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Federalka ee Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar, ayaa sheegay Al Shabaab in ay cadow ku tahay dhammaanba shacabka Somaliyeed.

Gudoomiye Ku Xigeenka wuxuu si adag u sheegay Al Shabaab in ay ku dhacday adduunka beel iyo Aakhiro seeg, taasina ay muujineyso sida ay kaga soo horjeedaan nolosha shacabka Somaliyeed.Al ShabaabJeylaani Nuur Iikar, ayaa wuxuu difaacay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna ku sheegay kuwo u istaagay, sidii loo badbaadin lahaa dalka iyo dadka Somaliyeed, taasina ay tahay waxa ay ka soo horjeedo Al Shabaab.

Mr. Iikar oo wareysi siiyay Idaacada VOA-da laanteeda afka Somaliga, ayaa wuxuu si adag u sheegay inaysan marnaba joojin doonin shaqada ay u hayaan shacabka Somaliyeed, xataa haddii uu hal nin ka soo Haro.

Idale News Online.

You might also like More from author

Comments are closed.