Ciidamada Dowladda soomaaliya oo dib u Qabsaday Deynuunaay.

42

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa Dib u la wareegay Deegaanka Deynuunay ee Bariga Gobolka Baay.Teaser Image Ciidamada Dowladda oo dib u Qabsaday DeynuunaayDeynuunaay ayaa Al-shabaab waxaa ay la Wareegeen habeen ka hor ka dib markii Ciidamada Dowladda Federaalka  ay iskaga baxeen Deegaanka oo mudo Maamulayeen.

C/rixmaan Bashiir Qurac oo ka mid ah Ciidamada Milatariga Soomaaliya  u sheegay  warbahinta in Deegaanka Deynuunay ay dib ugu laabteen Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM,Al-shabaabna ay iskaga baxeen.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOm ayaa hada kusugan deynuunaay,Al-shabaab Awood ay nagula dagaalamaan maleh,weyiska carareen”ayuu yiri C/rixmaan.

Labo maalin ka hor ayey aheyd markii Ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya ay iskaga baxeen Deynuunaay,kuwaas oo sheegay in Saanad la’aan ay soo wajahday.

Idale News  online – Baydhaba, Janaay.

You might also like More from author

Comments are closed.