R/wasaare C/wali oo la kulmay siyaasiyiinta Beesha Sade( Marixaan).

R/wasaare C/wali, ayaa xafiiskiisa Muqdisho ku qaabilay siyaasiyiin iyo waxgarad ka tirsan Beesha Sade.

Kulanka oo ahaa mid saacado badan qaatay, ayaa R/wasaaraha waxa uu isku dayayay inuu qanciyo Beesha Sade oo aan ku qanacsaneen booqashadii uu R/wasaare C/wali ku tagay Kismaayo.

Qaar kamid ah siyaasiyiinti kulankaas ka qeyb gashay oo saxaafada la hadlay, ayaa sheegay in R/wasaaraha uu ugu yeeray ka wada hadlida xalka magaalada Kismaayo.

Daahir Shire Salaad, oo kamid ah siyaasiyiinta Beesha Sade kulankaasna goob joog u ahaa, ayaa sheegay in R/wasaaraha ay u sheegeen, inuu yahay ruux hal dhinac u janjeera, islamarkaasna aan qadarin aragtida Garab kamid ah Garabyada isku haaya siyaasada Jubooyinka.

“Ciidanka Barre hubka laga dhigo kuwo Axmed Madoobana lagama dhigaayo, taasi waa fashil siyaasadeed” ayuu yiri Daahir Shire Salaad.

R/wasaare C/wali, ayaa safar qaaday mudo 8 maalmood ah waxa uu ku joogay Kismaayo, waxaana uu la kulmay Garabka Axmed Madoobe oo kaliya, taasoo keentay dhaliilo iyo eedeeymo badan oo ka’imaanaya Garabka Barre

Idale News Online, Muqdisho.

Comments are closed.