Ku dhawaad 50 gaari oo ku xanniban Gobolka Shabeellaha hoose

47

Ku dhowaad 50 gaari oo xamuul ah ayaa ku xaniban inta u dhexeysa deegaanka Yaaqbari-weyne oo hoos taga degmada Wanleweyn iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

Qaar ka tirsan wadeyaasha gaadiidka xanniban ayaa u sheegay Warbaahinta  in ay ka socon la’ yihiin jid-gooyooyin badan oo looga dalbanayo lacag aysan awoodi karin inay bixiyaan.

Wadeyaasha ayaa tilmaamay in kooxaha jid-gooyooyinka jooga ay jir dileen qaar ka tirsan wadeyaasha, kaddib markii ay sheegeen inaysan bixin karin lacagta laga doonayo, sidaa darteedna ay joojinayaan safarkooda.

Wararka ayaa sheegaya in kooxaha dableyda ah ay gaadiidleyda ku khasbayaan inay wataan safarkooda, si ay lacag uga qaataan gaadiidkooda iyo dadweynaha.

Gudoomiyaha degmada Wanleweyn Isaaq Xaaji Maame ayaa warbaahinta hore ugu xaqiijiyay inay jiraan tacaddiyadaas oo ay geysanayaan kooxo ku labbisan dareyska ciidamada dowladda Soomaaliya.

GaadiidkaMuqdishoAfgooye

Idale News Online.

You might also like More from author

Comments are closed.