Xoogaga Al Shabaab oo sheegtay dilka Xildhibaan Cabdicasiis Afar Indhood oo Maanta la dilay.

Sida uu sheegay Sargaal katirsan Al Shabaab oo warbaahinta Internetka Shabaab soo daabaceen ayaa sheegay inay iyagu ka dambeeyeen dilka Xildhibaan maanta lagu dilay degmada Dharkiinleey ee magaalada Muqdisho.

Inkastoo sargaalka uhadlay Al Shabaab aan la sheegin magaciisa hadana waxa uu xaqiijiyey in ciidankooda loo yaqaano Madax jabiska ay dilkaasi xildhibaan C/casiis ugeysteen.

Al Shabaab ayaa waxay ku sheegeen howlgalo lagu muujinayo sida uusan Amni uga jirin Muqdisho oo ay ka wadaan magaalada Muqdisho xilli shirweyne Amniga Qaranka looga hadlayo uu Maalintii Seddexaad ka socdo Muqdisho.

Al Shabaab ayaa labo maalmood gudahood Muqdisho ku dilay labo Xildhibaan iyadoo shalay qarax gaarigiisa loogu xiray uu ku dhintay Marxuum Ibraahim Isaaq Riino.

Xarakada-Alshabaab

Idale  News Online.

Comments are closed.