Dhageyso:Gudoomiye Kuxigeenka Aqalka Sare Golaha Guurtida Koonfur Galbeed Oo Ugu Baaqay Beesha Caalamka Inay Taageeraan Rawitaanka Shacabka.

37

Gudoomiye kuxigeenka Aqalka sare Golaha guurtida Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugaas Maxamuud Ugaas Nuur ayaa ugu baaqay  dowladaha Carabta iyo kuwa Afrika ee jecel wanaaga Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo kuwa deriska gaar ahaan Jabuuti iyo Soomaaliland iyo cidii kale oo wanaaga la jecel shacabweynaha 6 gobo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya oo muujiyay rabitaan kiisa ilaa hada u taagan sidii uu uga mira dhalin lahaa in ay cagaheeda isku taagto Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya inaad nagu taageertaan sidii aan ugu mira dhalin laheyn  rabitaanka shacabkeena ee masiir kiisa ka tashaday.

Sidoo kale wuxuu baaq kaasi la mid ah udiray Jaaliyadaha dibada ee kasoo jeeda deegaanada koonfur galbeed Soomaaliya iyo cidii jecel in gacan ka geysato in ay dowlad goboleedkooda is garabtaagaan qof walbana wuxuu awoodo uusan waxba ka hagran waayo waxa aan qabaneyno ama aan dhiseyno waa wax adiga berito ku sugayo kuna shaqeyn laheyd.

 

Halkana Ka Dhageyso;

[audio:http://arlaadii.net/wp-content/uploads/2014/04/Dhageyso-Gudoomiye-Ku-Xigeenka-Aqalka-Sare-Gollaha-Guurtida-Koonfur-Galbeed-oo-Baaq-Adag-u-Diray-Jaaliyaddaha-Dibada.mp3?_=1|autostart=yes]

madaxda-kg5

Idale News Online.

You might also like More from author

Comments are closed.