Baydhabo:Saddex Qof oo ku jiro Sarkaal Sare Ciidanka Xooga Dalka oo Qoorta laga Jaray,

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay,ayaa Xalay waxaa lagu Dilay Saddex Ruux oo Guryahooda lagala Baxay.

Teaser Image Baydhabo:Saddex Qof oo Qoorta laga Jaray

Wararka ayaa sheegaya in Saddexda Ruux oo mid uu ahaa Sargaal ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Xalay Guryaha lagala baxay,kadibna Meydad kooda oo Qoorta laga jaray Ama labireeyey la soo dhigay Xaafad ka mid ah Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Malaaq C/rixmaan Shiine oo ka mid ah Odayaasha Baydhabo ayaa  u sheegay warahaahinta in Saddexda Ruux ee Xalay lagu Dilay Baydhabo,Dhamaan Qoorta laga Jaray,falkaasna ay fuliyeen Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab.

Magaalada Baydhabo oo ay ka Arrimiyaan Labo Madaxweyne oo isku hasta ,ayaan wali ka hadlin Falka Naxdinta leh ee Xalay Magaalada Baydhabo ka dhacay.

Sidoo kale maleeshiyada Al-shabaab ayaa la Wareegay Deegaanka deynuunaay ee Bariga Magaalada Baydhabo,kadib markii Ciidamdii Dowladda Soomaaliya ay is kaga baxeen.

Idale News  online – Baydhaba Janaay.

 

Comments are closed.