Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil oo eedeyn u jeediyay Maamulka Jubba

Max’ed Cabdi Kaliil Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee KGS ee dowladda Somaaliya oo u warramayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in lagula xisaabtami doono Maamulka KMG ah ee Jubba dhibaatooyinka uu ka geysto Magaalada Kismaayo.

Kaliil ayaa sheegay in ay tahay wax aan la aqbali Karin dhibaatada xad gudubka ah ee Magaalada Kismaayo ay ka geysanayaan Maleeshiyaadka Raaskaambooni.

Guddoomiye Kaliil Hadalkiisa ayaa yimid xilli dhawaan Cabasho xoog leh oo arrinrtani la xiriirta ay ka soo yeertay qaar ka mid ah Shacabka Magaalada Kismaayo.

Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa lagu eedeeyaa dilal barer ah oo ka dhan rayidka iyo xad gudubyo si ula kac ah loogu geysta Shacabka iyo Bulshada ku nool Magaalada Kismaayo,

Kiliil

Idale News Online.

Comments are closed.