Salaadiintii waday dhexdhexaadinta iyo Barre Hiraale oo Cirka Isu calaamadeeyey.

Guddi ka kooban Odayaal iyo waxgarad ku hayb ah Barre Aadan Shirre Barre Hiiraale oo shalay kulan kula qaatay deegaanka Goobweyn ee duleedka Magaalada Kismaayo, ayaa natiijo la’aan dib ugu soo noqday Magaalada Kismaayo.

Guddigan ayaa wax fiican kala soo kulmin Barre Hiiraale, kadib markii wadahadalka qodobada qaar ay isku mari waayeen.

Barre Hiiraale ayaa Odayaasha usheegay inuusan aqbalikarin inuu hubka dhigo, oo uu Axmed Madoobe isku dhiibo, isaga oo u cadeeyay inuu taasi ka xigo dagaal.

Wuxuu kaloo Barre Odayaasha usheegay inuu dagaalamayo inta dadka Jubbooyinka ay ka helayaan ammaan buuxa iyo ku noolaanshaha nabada.

Axmed-Us-Barre3-300x171

Idale News Online,Kismaayo.

Comments are closed.