Maxaad ka Taqaan Nicholas Kay iyo Siyaasaddiisa Qaybi oo Xukun!

Ambassador Nicholas Kay waa u qaabilsanaha arrimaha Soomaaliya ee Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay. Wuxuu u dhashay dalka Boqortooyada Ingiriiska, waana rug cadaa xilal kala duwan ka soo qabtay wasaaradda arrimaha dibadda ee UK. Wuxuu safiir ka soo noqday dalalka Suudaan iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Koongo (Zaire-tii hore). Sidoo kale wuxuu ahaa Isku-duwihii iyo Hoggaamiyihii Kooxda Dub-u-dhiska Gobolka Helmand ee waddanka Afgaanistaan.

Waa siyaasi ka soo shaqeeyay waddamo xaaladdoodu u egtahay tan Soomaaliya, balse sida ka muuqata xogaha laga hayo hawlihii uu ka fuliyay waddamadaas ay ahaayeen kuwa uu dhaliilo badan iyo caro kala kulmay waddamadaas uu ka soo shaqeeyay, isagoo xirfaddiisu u badnayd kala qaybinta shucuubta dalalkaas. Markii uu ka shaqaynayay dalka Suudaan sannadihii 2010 – 2012 haddaladiisu waxay abuuri jireen bannaan-baxyo iyo caro ka timaada dadka reer Suudaan. Tusaale ahaan erayo uu yiri waxaa ka mid ahaa mar uu ka hadlayay arrimaha Suudaan:
“Waxay la mid tahay riwaad dadka jilaya ay aad isku neceb yihiin. Heesayaashu waxay heesayaan waxyaabo kala duwan iyadoo kuwa cayaarayana aysan aqoon nooca cayaarta ay tahay inay cayaaraan. Mararka qaar, tuugada daawayadaasha ku dhex jira waxay jeebsiib ku sameeyaan shaqaalaha kala hagaya dadka ku fadhiya kuraasta. Way dilaan dadka markii ay is yiraahdaan qofna idinma arko”

Sida ka muuqata hadalladiisaas waa faragelin iyo kala qaybin aad u daran, waana qaab uu sawir xun uga bixinayo xaaladda dalka Suudaan. Sidaasi si aad ula mid ah ayuu Nick Kay ula macaamilayaa hadda Arrimaha Soomaaliya. Sida lala wada socdo maanta dalka Soomaaliya waxaa ka jira khataro aad u daran ee soo noolaansho dagaalladii sokeeye ee laga soo kabanayay.

Amb. Nick Kay wuxuu si bareer ah ula saftay maamulka KMG ee Jubba kaddib markii uu abaabulay xaflad caleemo saar ee hoggaanka maamul la isku haysto oo loo ballansanaa in dib-u-heshiisiin la isugu keeno dhinacyadii dagaalsanaa, kaddib shirkii Addis Ababa. Wuxuuna si ula kac ah u hareermaray Dawladda uu waraaqihiisa aqoonsiga u gudbistay iyadoo aysan dawladdu xafladdaas wax lug ah ku lahayn.

Arrinta kale ee kala qaybinta iyo isku-dirka ummadda Soomaaliyeed ah waa markii uu ku dhawaaqay inuu taageersan yahay maamulka saddexda gobol ee shirkii Baydhaba ka socday, iyadoo weliba isla magaaladaas uu ka socday shir kale oo maamul lix gobol ah looga dhawaaqayay.

Amb. Nick Kay wuxuu aad u huriyay colaadda ka imaan karta Baydhaba, iyadoo Qaramada Midoobay aysan ahayn inay la kala safato dhinacyada Soomaaliya isku haya balse hawshiisu tahay fududaynta dib-u-heshiisiinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.

Dhinaca Gobollada waqooyi ee Soomaaliland iyo Puntland xaaladdoodu waxay maraysaa meel aad u daran oo laga cabsi qabo inuu dagaal sokeeye ka dhaco halkaas. Sidoo kale Nick Kay wuxuu dhawr jeer fududeeyay in xiisaddu sii fogaato kaddib markii uu indhaha ka qabsaday jiritaanka Maamulka Khaatumo, isla markaana uu baaq u diray kaliya Puntland iyo Soomaaliland, duudsiiyayna xaqii dadka reer Khaatumo ee ay ahayd inuu si guud baaq u diro dhammaan qaybaha ay qusayso.

Amb. Nick Kay oo waqti dheer macallim luuqadda Af-Ingiriiska ka soo ahaan jiray waddamada Brazil, Cyprus, Peru, Saudi Arabia, Spain iyo United Kingdom, ayaa isticmaala luuqad aad u tafatiran oo dulucdeedu tahay sidii uu Soomaalida isugu diri lahaa iyagoo aan dareemin. Hawshiisii ahayd inuu isku-duwo hawlaha Qaramada Midoobay ee dhinacyada Samafalka Bani’aadinimo, Soo noolaynta dhaqaalaha, Dib-u-heshiisiinta, Dhisidda hay’adaha Dawladda dhammaantood wuu ku fashilmay, wuxuuna ka shaqaynayaa sidii uu eedaymahaas oo idil dusha ugu saari lahaa Ummadda Soomaaliyeed. Taasoo aan arkayno in dulucdu tahay in dalku dagaallo sokeeye dib u galo, nidaamkii dawladnimo ee la higsanayayna fashilmo, kaddibna la yiraahdo Soomaalidu isma maamuli karto, maamulna ma rabto ee ha loo taliyo.

Waxaan haddaba ugu baaqaynaa Amb. Nick Kay in uu ka fogaado iska horkeenidda Soomaalida, kana fogaado fashilinta haykalka dawladnimo ee Soomaaliya. Sidoo kale Maamullada is-magacaabaya ee dalka ka jira waa in dhammaantood dib-u-heshiisiin loo sameeyaa oo uusan la safan hal dhinac sida uu hadda ka sameeyay Kismaayo iyo Baydhabo.

Sidoo kale waa in Dawladda Soomaaliyeed, gaar ahaan wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Madaxwaynuhu ay eegaan dhaqdhaqaaqyada diblumaasiyiinta ay waraaqaha Danjirinnimo ka gudoomaan, ayna kula taliyaan inaysan ka qayb qaadaan aqoonsiga iyo diidmada maamullada, maadaama aysan hawshooda ka mid ahayn. Dawladda Soomaaliyeed, gaar ahaan Madaxwaynaha waa inuu u dhaqmaa sidii dal xor ah, oo uusan oggolaan in IGAD, AMISOM iyo UNSOM ay si toos ah ula macaamilaan maamullada cusub ee is-diidan ee maalin walba samaysmaya, maadaama ay shaqadoodu tahay inay Dawladda dhexe ee Federaalka ah kala shaqeeyaan gudashada hawlaheeda.

Haddaba, Waxaa la gudboon ummadda Soomaaliyeed inay hurdada ka toosaan, damiirkooda dhintayna nooleeyaan, una daneeyaan maslaxadda Ummadda taagta daran. Waxaan leenahay waa in la asturaa cawradeena bannaanka daadsan ee haweenka, carruurta, maatada, waayeelka ay qaarna qaxootiga ku yihiin daafaha caalamka kuna haystaan dhibaatooyin adduunyo kuwii ugu xumaa.

nicholas-kay
Qore: Abdiweli Hassan (abdihass55@hotmail.com).

Idale News Online.

Comments are closed.