Daawo Sawirada Gudoomiyaha Baarlamaanka Iyo Wafdigiisa Oo Si Heer Sare Ah Muqdisho Loogu Soo Dhaweeyey .

54

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo oo
maalmihii aynu kasoo gudubnay socdaal shaqo ku joogay dalka Talyaaniga
ayaa maanta dib ugu soo laabtay Dalka ayadoo wafdiga Gudoomiyahana si heer
sare ah loosoo dhaweeyey.

Wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee
magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha
Shacabka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar,xildhibaanno ka tirsan
Baarlamaanka,saraakiisha ciidammada,siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee
bulshada.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Gudoomiyaha Golaha Shacabka
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo markii lagu soo dhaweeyey garoonka
diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho kula hadlay saxaafadda qeybta
nasashada garoonka ayaa tilmaamay in safarka isaga iyo wafdigiisa ay ku
tageen dalka Talyaaniga uu kusoo idlaaday guul islamarkaana dhowaan ay si
rasmi ah u howl bilaabi doonaan guddiyo labada Baarlamaan ka kala socda
waa Soomaaliya iyo Talyaaniga kuwaasi oo iyagu ka wadashaqeyn doonta
fulinta qodobadii labada guddoon ay ku ballameen.

Socdaalka wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu
hogaaminayey ay ku joogeen dalka Talyaaniga ayaa qaatay mudo Shan cisho ah
waxaana mudadaasi ay Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdigiisa
XIldhibaannada ah ay kulammo la qaateen hogaanka ugu sareeya Labada aqal
ee uu ka koobanyahay Baarlamaanka dalka Talyaaniga iyo Jaalliyadda
Soomaaliyeed ee dalkaasi ku dhaqan.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoonka Baarlamaanka

Media & Public Relation Office Of Speaker

Soo Dhoweynta Jawaari 2

Soo Dhoweynta Jawaari 1

Soo Dhoweynta Jawaari 16

Soo Dhoweynta Jawaari 15

Soo Dhoweynta Jawaari 14

Soo Dhoweynta Jawaari 13

Soo Dhoweynta Jawaari 10

Soo Dhoweynta Jawaari 9

Soo Dhoweynta Jawaari 8

Soo Dhoweynta Jawaari 7

Soo Dhoweynta Jawaari 6

Soo Dhoweynta Jawaari 5

 

Soo Dhoweynta Jawaari 4

Soo Dhoweynta Jawaari 3

Idale News Online, Muqdisho.

You might also like More from author

Comments are closed.