Dhageyso+Akhriso : CPJ oo Sheegay in Suxufiyiinta Lagu Dhibaateeyo Soomaaliya, Ciraaq Iyo Philippin.

53

Warbixin ay soo saareen Gudiga Difaaca Suxufiyiinta ee Fadhigooda uu yahay magaalada New York ee dalka Mareynkanka ayaa waxay sheegeen in dalka Philippines uu noqday wadanka Sedexaad ee sida aadka ah loogu dhibaateeyo Saxaafada Xorta, iyadoo wadamada Soomaaliya iyo Ciraaq safka hore galeen.

Halkan Ka Dhagayso codka.

[audio:http://www.ishabaydhaba.com/?attachment_id=56611|autostart=yes]

Waxay warbixintooda ku sheegeen Gudiga Difaaca Suxufiyiinta Ee “CPJ” in xal loo la’yahay dilalka iyo dhibaatooyinka kale ee loo geysanayo Wariyaasha howshooda shaqo gudanaya ee ku dhex shaqeynaya wadamada qalalaasaha ay ka taagan yihiin,waxayna Tusaale u soo qaateen dalalka Soomaaliya Ciraaq iyo Philippines.

Sidoo kale,warbixinta ayaa intaasi ku dareysa in Soomaaliya noqotay wadanka Labaad ee lagu dilo laguna Jirdilo saxaafada halka Philippines uu noqday wadanka sedexaad sidaasi si la mid ah lagula kaco wariyaasha ka howlgala waxyaabo xuquuqda ka baxsan.

Tiro koob ay sameeyeen “CPJ” Waxay ku shaaciyeen in 51-wariye lagu dilay Philippine tan iyo sanadkii 2004 oo ay ku jiraan sedexdii sano ee u danbeysay.

Soomaaliya ayaa sanadkii 2013-kii lagu dilay afar wariye,kuwaasi oo la dilay iyagoo howshooda gudanaya,sida warbixinta lagu sheegay.

Idale News Online.

You might also like More from author

Comments are closed.